Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyay socdaal u qorsheysnaa inuu ku aado dalka Turkiga.
War laga helay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya inuu dib u dhigay socdaal uu ku sii jeeday dalka Turkiga oo hore loo qorsheeyay, kaasoo uu kula kulmi lahaa madaxweynaha Turkiga iyo madaxda dalkaasi, waxaana arrintan sababay xaaladda adag ee magaalada Muqdisho ee ka dhalatay qarixii shalay ka dhacay caasimadda.

Dhinaca kale ra’iisal wasaare Kheyre ayaa magacaabay Guddi Badbaadin oo ka kooban wasiiro, xildhibaano iyo ururrada bulshada oo isku xira gurmadka loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha aya sheegay in dadka xaaladooda darran tahay loo qaadi doono dibadda isla galabta ama beri ay bilaaban doonaan, iyadoo ay la xiriireen dalal saaxiibo ah oo arrintaas ka caawinaya Soomaaliya.