Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay dabagal iyo la xisaabtan nooc cusub ah oo uu mid mid ugu wareysanayo wasiirada xukuumadiisa.
Kulamadan ayaa wasiir kasta wuxuu wajahayaa su’aalo ku saabsan waxqabadka wasaaradiisa, qorshaha uu ku howlgallo iyo arrimaha horyaalla, waxaana maanta dhowr wasiir ay wajaheen su’aalaha Ra’iisal wasaaraha, iyadoo baraha bulshada si weyn loogu wadaagay muuqaallo laga soo qaaday wasiiradaasi oo wareysi ku socdo.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA