Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Casan Cali Kheyrre ayaa dalab culus u diray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Isagoo xalay ka hadlayay munaasabad looga hadlayay taakuleynta ciidamada ayuu farriin u diray Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka dalbaday inay ansixiyaan Sharciga horyaallala ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa, kaasoo uu sheegay inuu fure u yahay dagaalka lagu qaadayo Musuqa.

“Waxaa weli na hortaagan oo Baarlamaanka u dirnay inay soo ansixiyaan sharicigii La-dagaalanka Musuqmaasuqa, si loo helo gudi madax bannaan oo awood leh inuu daba galo, soo qabto, soona xiro dadkii lagu helo musuqmaasuqa, waxaan leenahay Baarlamaanka Fadlan ansixiya sharciga la-dagaalanka musuqmaasuqa..” ayuu yiri Mudane Kheyre.
Wuxuu balanqaaday in xukumaddiisu ay la dagaalami doonto Musuqmaasuqa islamarkaana, loona baahan yahay in la helo sharcigii lagula tacaali lahaa ciddii lagu helo, wuxuuna intaas ku daray in Soomaaliya lagu tiriyo dalalka safka hore uga jira ee ku dhaqma Musuqmaasuqa.