Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa faragalin ku sameeyay xaalad cakiran oo ka dhalatay maamulka dekadda Muqdisho iyo ganacstada gaadiidka kala soo dega dekadda.
Arrintan ayaa timid kadib markii shirkad (Kulmiye Transportation and Logistics) heshiis kula jirto xukuumadda Soomaaliya oo qandaraas ku siiyay xukuumadda inay sameyso Taagrooyinka, Buugaagta lahaanshaha gaadiidka iyo ruqsada wadista baabuurta, taasoo awoodi weyday inay sameyso Taargadii iyo Buugaagtii loo baahnaa, kadibna gaadiidkii laga soo dejiyay dekadda ay halkaasi ku xayirmeen, iyagoo shubay lacagtii canshuurta ahayd ee laga rabay.
Ganacstada Gadiidka yaryar kasoo dejiya dekadda ayaa cabashadooda la wadaagay warbaahinta, wxayna sheegeen in shirkada Albeyrak ay ku soo rogtay lacag kiro ah, iyagoo eedeeyay wasaaradaha gaadiidka iyo Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, waxayna sheegeen iyagoo canshuurtii dhiibay inaysan gadiidkooda kala bixi karin Dekadda, iyadoo shirkadii u sheegtay inay lacag uga maqan tahay wasaaradda Maaliyadda oo aanay sameyn karin Taargooyin kale.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa tegay dekadda Muqdisho, isagoo amray in gaadiidka ku xayiran dekadda la fasaxo, kadibna wixii dhibaato ah xal loo raadiyo, waxaana sidaasi looga saaray dekadda Muqdisho Gadaiidkii ku xayirnaa muddo bil iyo bar ah.
C/waaxid C/Shakuur Cali oo ka mid ganacstada baabuurta kasoo dejisa dekadda Muqdisho ayaa sheegay in xaaladii ay weli taagan tahay, marka laga reebo inay gaadiiidkii hore ugu xayirnaa la fasaxay.