Ra’iisal wasaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal aan hore shaacin ku jooga dalka Qatar ayaa la kulmay Amiirka dalkaasi Tamim Bin Hamad Althani iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Qatar.
Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Kheyre uu Amiirka Qatar u gudbiyey farriin afka ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, sida ay sheegtay Wakaalada wararka dalka Qatar oo intaas ku dartay inay ku saabsaneyd xiriirka labada dal iyo sida loo sii xoojin karo.
Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha Gashaandhigga dalka Qatar oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal.
