Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay halkaasi.
Ra’iisal wasaaraha waxaa garoonka Kismaayo uga hor yimid madaxweynaha Jubbaland, xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland, wuxuuna markii uu ka degay magaaladaasi uu sheegay inuu kulamo la qaadan doono madaxda maamula Jubbaland muddo saddex maalmood ah oo uu joogi doono magaalada Kismaayo.
Waxaa lagu wadaa inuu Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre uu dadka magaalada Kismaayo kala hadlo Isgoyska Aargo, halkaasoo loogu diyaariyey dad fara badan oo khudbad uu u jeedin doono.
DAAWO SAWIRRADA














