Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabeelle.
Waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay madaxda maamulka Hirshabelle oo uu horkacayo Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, wasiiro iyo xildibanno ka tirsan Hirshabeelle.
Wararka ayaas heegay in Ra’iisal Wasaare Kheyre uu dhagax dhigi mashaariic laga hirgelinayo magaalada Jowhar oo ay ka mid yihiin Xarunta loo dhisayo Baarlamaanka Hirshabeelle iyo dhagax dhigga wadadda isku jirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.
Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga magaalada Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha magaalada, iyadoo ciidamo laga diray ay gaareen halkaas.