Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir degdeg ah oo ku saabsan xaaladda fatahaadda Webiga shabeelle iyo Barakaca ka jira Gobolka Hiiraan.
Waxaa shirkan oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ka qeyb galaya Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, xildhibaanno, Guddiga ka hortagga Musiibooyinka Qaranka, Ganacsato iyo Hay’adaha samfalka.
Shirkan ayaa ka danbeeyay xaalad ka taagan magaalada Beledweyn oo fatahaad ay hareysay, iyadoo looga hadlayo sidii wax looga qaban lahaa xalaadda Beledweyne iyo gurmad loo sameynayo dad ka badan 120,000 oo qof ay ka barakacaan Magaaladaasi.
Wasaaradda Gargaarka iyo musiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in guud ahaan fatahaadda Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay ka sameeyeen Gobollada dalka ay ku barakaceen dad gaaraya 430,000 oo Qof.