Ra’iisal wasaarha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Caawa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha is casilay ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Booqashada Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay inay ahayd is cafin kadib dagaal siyaasadeed oo labada dhinac dhex maray muddo bil ku dhowaad ah, waxaana labada mas’uul ka muuqday dhoola caddeyn.
Guddoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa inuu Baarlamaanka Soomaaliya u jeediyo khudbad uu isku casilayo, inkastoo aan la ogeyn inuu sii ahaan doono xildhibaan iyo in kale.