Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta iska xaadiriyay Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta ee ka socda magaalada Muqdisho.
Mudane Kheyre ayaa lagu soo dhoweeyay hotelka bandhiggu ka socdo, isagoo la sheegay inuu iibsaday buugaag carwada lagu soo bandhigay, wuxuuna qabanqaabiyeyaasha bandhigga uga mahadceliyay howsha weyn ee ay qabteen.
Khudbad uu ka jeediyey Carwada ayuu ka sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jiraan dad leh hal-abuur ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda. isagoo dhalinyarrada ku dhiiregeliyay aqoon iyo qoraal.
SAWIRRO