Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay lacag tageero ah dowladda Turkigu ku shubtay Bankiga Dhexe

    Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay lacag tageero ah dowladda Turkigu ku shubtay Bankiga Dhexe

    April 20, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisul Wasaare Khayre oo Turkiga uga mahadceliyey taageerada kabka Miisaaniyada Dowladda Federaalka

    Muqdisho, 20 April 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga oo ka dhabeysay ballanqaadkeedii ahaa inay kabto miisaaniyada Dowladda Federaalka.

    Dowladda Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ku wareejisey kabka miisaaniyada 5 bilood oo ay bishiiba kab uga dhigeyso miisaaniyada 2 milyan oo dollar. Deeqdan kabka miisaaniyada ee Dowladda Turkiga ugu talo gashay Soomaaliya ayaa lagu shubay Khasnada Dowladda Dhexe ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, tanoo la waafajinayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada Dalka.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey arrinkan ayaa yiri “Dowladda Turkiga waa wallaal dhab ah oo jira oo fahamsan daruufaha Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa taageeradooda kabka miisaaniyada Dowladda oo ay 5 bilood na siiyeen oo bishiiba ay tahay 2 milyan oo dollar. Tani wallow aysan dhameystireynin baahida Dowladda iyo tan shacabka, haddana waa bilow wax weyn noo tareysa.”

    “Dowladda Federaalka si ay shacabka ugu sheegto xaqiiqda dhabta ah ee maaliyada ayaan iclaamineynaa inay lacagtaas na soo gaartay si shacbka uu noola xisaabtamo annagana aan uga dhabeyno ballanqaadkii ahaa inaan u adeegeyno shacabka oo aan la wadaageyno xaaladeena maaliyadeed iyadoo ay dhab naga tahay inaan hagaajino maamulka iyo maareynta maaliyada si aan shacabka uga helno kalsooni marwalba ah. Deeqdan kabka miisaaniyada ahna waxaan khasnada dowladda ugu shubnay waa in shacabka ay si toos ah noola xisaabtamaan oo aan tusaale fiican u noqono si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.” RW Khayre ayaa sidan yiri

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii yiri “in kabka miisaaniyada Turkiga aysan wada dabooleynin baahida guud ee miisaaniyada, haddana waa bilow, waxaana ka codsaneynaa wallaalaha beesha caalamka inay sidoo kale kaalintooda ka qaataan kabka miisaaniyada inta ay dowladdu ka gaareyso isku filaansho dhanka dhaqaalaha ah.”

    Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo qadka telefoonka kula hadlay Madaxweyne Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey guushii aftida shacabka turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa isna dhankiisa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.

    DHAMAAD

    Wasaaradda Warfaafinta

    Kheyre Turkiga xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynayaasha Soomaaliya & Turkiga oo khadka telefoonka ku wada-hadlay [Akhriso]
    Next Article DEGDEG: Dab xoog leh oo goor dhow ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo