Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay socdaalkiisa Boqortooyada Sacuudiga, kadib markii uu maanta u dhoofay dalkaasi socdaal qaadan doona muddo laba maalmood ah.
Ra’iisul wasaare Kheyre oo Bog shaqsi ah ka furtay dhowaan barta Twitter-ka ayuu soo dhigay farriin ku saabsan socdaalkiisa, isagoo yiri: “Maanta, waxaa dalka uga baxayaa booqasho rasmi ah oo aan ku tagi-doono boqortooyada aan walaalaha nahay, waxaan la kulmi-doonaa mas’uuliyiin si aan uga wada hadalno xiriirka labada dal iyo xoojinta xiriirka walaaltinnimo”.
Qoraalka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu qoray Afka Carabiga, waana qoraalkii ugu horeeyay ee boggaasi lagu qoro, kaasoo la sameeyay Bishii hore ee September.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa saxaafadda uga warbixiyey socdaalka Ra’iisal wasaaraha ee dalka Sacuudiga, isagoo sheegay inay la kulmi doonaan madaxda Boqortooyda.