Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay mowqifkiisa Doorashada dalka, isagoo caddeeyay inuu diidan yahay muddo kordhin
Isagoo guddoonmiyey maanta guddoomiyay shirki Golaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayuu si cad u sheegay inaysan dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.
“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri.
Wuxuu Ra’iisal wasaaraha kulanka Golaha Wasiirada ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.

