Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisa oo saaka gaaray magaalada Cadaado ayaa halkaasi ka tegay, kadib markii uu suuragal noqon waayey inuu la kulmo odayaasha magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka Cadaado ee Beesha Saleebaan ay diideen inay la kulman Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna markaas kadib xarunta Baarlamaanka ee magaalada Cadaado kulan kula yeeshay qaar ka mida siyaasiyiinta iyo maamulka Cadaado, isagoo kadibna safar dhinaca dhulka ah uga baxay magaalada.
Odayaasha Cadaado ayaa ku eedeeyay Kheyre inuu uga baxay balantii, isla markaana aysan aamini karin wadahal iyo ballan kale oo uu la galo, taasoo keenay inuu safarkiisa sii wato, isagoo kusii jeeda magaalada Gaalkacyo.
Soo-dhoweynta Wafdiga Kheyre ayaa ka socota magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu kulamo kala duwan kula yeelan doono maamulka iyo bulshada magaaladaasi.