Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa u kuurgeliddao hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, iyo la socodka xaaladaha ilaha dhaqaalaha laga aruuriyo.
Wuxuu kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, isagoo ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayeyn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa warbixin siiyay agaasimaha cusub ee dekadda Axmed Maxamed Washington oo sheegay inay qorshaha ugu jirto dardar gelinta howlaga dekadda Muqdisho.




![Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kormeer kedia ah ku tegay dekadda weyn ee Muqdisho [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/04/Kheyre_dekadda-1024x462.jpg)