Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa safiirada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta Dhaqaalaha, Deyn cafinta sida dib-u-habeynta ciidamadu ay uga qayb qaadatay horimarinta amniga iyo nabad-gelyada iyo arrimo kale, waxaana shirka guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Safiirada dalalka Midowga Yurub waxaa hoggaaminayay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga, iyado ay dhinaca Xukuumada shirka ka qeyb galeen Wasiirada Arrmiga Gudaha, Amniga, iyo Shaqada.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in kulanku ahaa mid xasaasi ah oo ay Midowga Yurub ku bogaadiyeen sii wadida taageerada ay siiyaan dowladda iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo dib u habeynta dhaqaalaha
