Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay Amiirka Dalka Qatar Tamiim Bin Hamad Al-thani.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre uu ka qeyb galayo shirka Madasha Doha, waxayna wakaalada wararka Qatar sheegtay in Amiirka Qatar lasoo gaarsiiyey farriin uga timid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Dowladaha Qatar iyo Soomaaliya ayaa magaalada Doha ku saxiixay heshiisyo dhowr ah oo iskaashi, iyadoo Qatar ay mashaariic ka fulineyso Soomaaliya.