Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xerada Tababarka Gen. Gordan ee magaalada Muqdisho kula halday ciidamo ka tirsan milateriga oo loo diyaariyey howlgal lagu qaadayo dhowaan deegaannada ay heystaan Alshabab.
Khudbadda Raiisal wasaaraha u jeediyey ciidanka ayaa ahayd mid lagu dhiiri gelinayo wuxuuna wax ka weydiiyey baahida qalab ee ay qabaan, isagoo kula dardaarmay inay ciidamadu hayaan shaqada ugu muhiimsan mar haddii ay dhiiggooda dalka u hurayaan.
Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si dalka iyo diinta ay cadawga uga difaacaan.




