Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka oo ka furmi doono Davos, Dalka Switzerland. Shirka oo ay ka qeybgeli doonaan hogaamiyaal kala duwan iyo gaancsato caalami ah, waa markii ugu horeysay ee mas’uul Soomaaliyeed uu ka qeybgalo in muddo ah.
Xasan Cali Khayre ayaa ka mida hogaamiyaasha Qaaradda Africa ee ka hadli doona mid ka mida madasha shirka oo ku saabsan xaaladda dhaqaale iyo amni ee Soomaaliya.