Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, kadib markii uu muddo 40 casho ah ku sugnaa degaanada maamulka Galmudug.
Ra’iisal wasaaraha iyo wasiiradiisa ayaa soo gabagabeeyay safarkiisii shaqo ee xalinta khilaafaadka Galmudug iyo maamul u sameynta maamulkaasi, wuxuuna maanta Muqdisho uga qeyb gali doonaa Aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir, ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).
Wararka ayaa sheegaya in Xasan Cali Kheyre uu dib howlihiisa uga bilaabi doono magaalada Muqdisho, iyagoo howlaha Galmudug loo xil saaray Guddi dib u heshiisiin oo dhowaan furaya shirka Dhuusamareeb, kadibna la guda geli doona soo xulista xildhibannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug.