Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu safarkiisii ugu horeeyay ku tegayo dalka Imaaraadka Carabta.
Wararka ayaa sheegaya inuu Ra’iisal wasaare Kheyre maalinta Berri ah u dhoofayo dalka Imaaraadka, iyadoo muddo uu dib u dhacay safarkan, waxaana kasoo shaqeeyay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya iyadoo lagu bedelay safar uu madaxweyne Farmaajo ku tegi lahaa dalkaasi markii saddexaad oo martiqaadkiisii loo soo diray.
Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa heshiis hoose ka gaaray xurguf u dhaxeysay, markii Safiirka Imaaraadka ee Muqdisho Maxamed Alcusmani uu kulamo xiriir ah la yeeshay la-taliyaha madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha.
Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu magaalada Abu Dhabi kula kulmo madaxda Dalka Imaaraadka Carabta, waana safarkii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaaraha uu ku tago dalka Imaaraadka oo ah mid saameyn weyn ku leh xaaladda dalka.