Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa salaan ugu tegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa hoygiisa ku booqday xildhibaan Xasan Sheekh, iyadoo wadahadal kooban ka yeeshay xaaladda dalka, iskana wareystay howsha xukuumadda iyo imaanshaha madaxweynaha hore, waxaana booqashada lagu sheegay mid ku kooban sallaan iyo kala war qaadasho.
Xasan Cali Kheyre ayaa ahaa saaxiib u dhowaa Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo uu ka mid ahaa xubnihii wada ololaha Doorashada Xasan Sheekh, waxaana lagu xusuustaa inay dowladii Xasan Sheekh u ololeysay sidii uu Kheyre u qaban lahaa xil sare oo ka mida urur Goboleedka IGAD.