Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyay xilliga ay ciidamada ka socda AMISOM ee degan Garoonka weyn ee ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ka bixi doonaan halkaasi.
Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaare Kheyre in la gaaray waqtigii Garoonkaasi loo isticmaali lahaa howlihii loo dhisay, iyadoo dowladda Soomaaliya ay qorshaha ugu jirto sidii dayactir buuxa loogu sameyn lahaa, dibna loogu furi lahaa.
Isagoo ka hadlayay xaflad lagu sagootinayay xulka kubbada cagta maamul goboleedka Jubbaland ayuu sheegay in sanadka 2018 ay ciidamada AMISOM ka bixi doonaan Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.
Marar badan ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay ka baxayaan Garoonka ugu weyn ciyaaraha ee Muqdisho oo hadda ah xarun milateri, lama oga in waqtigan cusub ee loo qabtay oo aan xadidneyn ay ku bixi doonaan, inkastoo ciidamada AMISOM oo dhan la sheegay inay dalka ka baxayaan xilligaasi.Kheyre