Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta shixnad Daawo ah oo lagu qaaday diyaarad gaarsiiyay isbitaalka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha oo bishii hore booqday Isbitaalka guud ee magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wargeliyey xaalad baahi dhinaca Daawada ah oo ka jirta Isbitaalka, isagoo ballan qaaday inay dowladda Soomaaliya taageeri doonto isbitaalkaasi.
Agaasimaha guud ee isbitaalka, Dr. Axmed Maxamed Mahdi, oo sheegay inay baahi u qabeen Daawadan, isagoo uga mahadceliyey sida Ra’iisul wasaaraha uga jawaabay codsigoodii ay u gudbiyeen.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa bishii labaad ku sugan degaanada Galmudug, isagoo salka dhigay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.





