Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaamineyay ayaa goor dhoweyd ka gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.
Waxaa si diiran wafdiga u soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne C/weli Gaas, siyaasiyiin, waxgarad, ganacsato iyo dadweyne fara badan oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Garowe, waxaan wafdiga loo gelbiyey magaalada Garoowe oo ay buux dhaafiyeen dadweyne ku lebisan calamada Soomaaliya, isla markaana wata boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul wasaare Kheyre.
Amniga magaalada oo aad loo adkeeyay ayaa waxaa sugaya ciidamada kala duwan ee Puntland oo ay u horreeyaan Booliiska,iyadoo uu yar yahay socodka gaadiidka shacabka,islamarkaana wadooyinka qaar ay xiran yihiin.
TOOS U DAAWO