Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa safar dhulka ku gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mida wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin kale iyo howl-wadeenno badan ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada. Waxaa si diiran u soo dhoweeyay dadwayne isugu yimid garoonka kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise, halkaasoo Xasan Cali Kheyre uu kul hadlay dadweynaha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo; wuxuuna sheegay in socdaalkiisa Gaalkacyo ay qayb ka tahay horumarinta iyo u dhammaystiro agabka ka dhiman ciidanka ku sugan magaalada ee ka shaqeeya nabadeynta iyo amniga.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa degaanda Galmudug ku sugan in ka badan laba toddobaad, isagoo dadaal ugu jira doorsasho ka dhacda maamulka Galmudug.




