Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhoweyd gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay halkaasi.
Waxaa Garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed C/qaadir Shariif Sheekunaa, wasiiro iyo xildhibaanno ka tisan K/Galbeed, waxaana garoonka ku sugnaa boqolaal dadweyne iyo qeybaha bulshada ah.
Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa socdaalkiisa ku wehliya wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu hadda dadweyne fara badan kula hadlayaa Garoonka kubadda cagta ee Ayuub, magaalada Baydhaba.








