Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer iyo damaaad ku kala bixiyey wasaarado iyo xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Mudane Kheyre ayaa kormeeray Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda, isagoo kulamo la yeeshay madaxda labada Wasaaradood. “Booqashooyinka shaqo ee aan ku tagay wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha dibadda waxay qeyb ka yihiin qorshaha xukuumadda ee ku salaysan isla xisaabtanka iyo hufnaanta..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.
Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa Galabta u damaashaad tega xeebta Liido ee magaalada Muqdisho isagoo halkaasi kula hadlay dhalinyaro iyo caruur ku damaashaadayey xeebta Liido, wuxuuna dhageystay tallooyin ay siiyeen.