Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaabilay madaxda Midowga Afrika iyo AMISOM ee Soomaaliya.
Kulanka Ra’iisl wasaare Kheyre iyo madaxda AMISON ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Amb. Francisco Madeira, Taliyaha Milatariga AMISOM Jen. Cismaan Subagle iyo Taliyaha Booliska AMISOM.
Waxay labada dhinac ka wadahadleen wadashaqeynta, iyadoo Kheyre uu sheegay in dowladda cusub ay si dhow ula shaqeyneyso AMISOM, waxaaana kulanku ahaa mid uu dalbaday Ra’iisal wasaaraha.
Francisco Madeira ayaa laga soo xigtay in Ra’isalwasare Kheyre u sheegay in dowladdiisa ay kalsooni iyo sumcad badan ku leedahay shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu doonayo in shaqo dhab ah ay wada qabtaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.
Wadani.com