Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegay inay halkaasi ka dhaceen wadahadallo u dhaxeeya magaalada Cadaado iyo wasiiru dowle uu halkaasi u diray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Kulanka odayaasha Cadaado iyo Wasiiru dowlaha Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa xaaladda Galmudug iyo in odayaasha dhaqanka degaankaasi laga dhaadhiciyo inay la kulmaan Ra’iisal wasaare Kheyre oo ay hore u diideen inay arkaan.
Wasiir Qoorqoor ayaa odayaasha Cadaado ku qanciyey in cabashadooda wax laga qaban doono, balse ay ka kulmaan ra’iisul Wasaaraha oo magaalada Cadaado dib ugu laaban doono maalmo kadib.
Wararka ayaa sheegaya in kulamada labada dhinac laga gaaray is-faham. balse ay odayaasha Cadaado weli ku dhegan yihiin in la siiyo balanqaad cusub iyo raaligelin balantii uu hore uga baxay Ra’iisal wasaaraha.