Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xariga ka jaray saldhiga milateriga Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Xafladii furitaanka saldhigga oo ay ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya waxaa lagu soo bandhigay qorshaha saldhigga iyo howlaha uu qaban doono ee loogu talogalay.
Saldhigga ayaa lagu tababari doonaa ciidamada Soomaaliya, isagoo qeyb ka ah dib u dhiska lagu sameynayo ciidamada Soomaaliya. Furitaanka saldhigga ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo hore loo qorsheeyay bishii Janaayo ee sanadkan.