Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey isu diyaarinta howl-gallo ballaaran oo la sheegay in lagu xoreynayo degaannada Alshabaabay heysataan ee shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan, kaasoo ka dhacay xarunta taliska Booliiska ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa shirka ka qeyb galay Wasiirka iyo wasiiru Dowlaha maaliyadda, wasiiru Dowlaha difaaca iyo taliyeyaasha ciidaamada Booliiska iyo Xoogga Dalka, waxaana ka maqnaa Agaasimaa NISA, waxaa kaloo ku sugnaa saraakiisha Milateriga iyo Booliska Dalka.
Ra’iisal wasare Xasan Cali Khayre ayaa faray dhammaan wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee kulanka ka qayb galay iyo hey’adaha Dowliga ah ee qaybta ka ah qorshaha, inay dardar geliyaan dadaallada lagu diyaarinayo howlgallada, si loogu guuleysto xoreynta degaannada ay Argagaxisadu uga sugan yihiin Dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada Bulshada looga hir-gelinayo degaannada laga saaro Argagaxisada.
Taliyayaasha iyo wasiirrada kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay ku dhammeystirayaan qorsha xoreynta degaannada ay nabad-diidku Dalka uga sugantahay iyo hir-gelinta adeegyada ka dambeeya ee lagu horumarinayo Bulshada iyo degaanka.

