Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Eriksen Soreide.
Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo taageerada ay Nowray siiso dalka Soomaaliya, waxayna Wasiiradda sheegtay inay Norway ka go’an tahay taageerada nabadda iyo geesi socodka xasiloonada Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu horumarka iyo dib u habeynta Soomaaliya kala hadlo Wasiirka Arrimaha dibadda Norway, iyadoo u xaqiijisay inay Norway hormuud ka noqon doono dib u habeynta Soomaaliya.
SAWIRRO