Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho wafdi ka socda dalka Qatar oo magaalada Muqdisho soo gaaray maanta.
Wafdiga Qatar waxaa hoggaaminayay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar Suldan Bin Sacad alMuraikhi, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka iyo dalka Qatar.
Dowladda Soomaaliya ayaa wax war ah kasoo saarin socdaalka wafdiga ka socda dalka Qatar, laakiin asaaradda Arrimaha dibadda Qatar ayaa goor dhoweyd shaacisay kulanka dhex maray labada nin.
Wasaaradad arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegtay in kulanka Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iyo arrimo labada dhinac muhiimad u leh.
Wadani