Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqday dhaawacyada ku waxyeeloobay qarixii shalay ka dhacay magaalada Muqudish oo la dhigay dhowr isbitaaloo yaala caasimadda.
Goobaha uu booqday ra’iisal wasaaraha waxaa ka mida Isbitaalka Madiina iyo Ordogan waxaana wehliyay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Nabad Suggida Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Kheyrre ayaa u kuurgalay xaaladda dhaawacyada, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto dhaawacyadda culus, sidii adeeg caafimaad loogu heli lahaa.
SAWIRRO