Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maalmihii ugu danbeeyay kormeer ku hayay wasaaradaha xukuumadda isagoo tegay wasaarado ay ka mid yihiin Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Caafimaadka, Batrooolka iyo Wasaaradda Maaliyadda, Shaqada & Arimaha Bulshada iyo kuwo kale, wuxuuna kormeerkiisu ku saasbanaa sidii loogu kuurgeli lahaa habsami u socodka shaqada wasaaradaha xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa shalay iyo maanta ku kalahay wasaarado badan, iyadoo qaarkood uu tegay 7:30 subaxnimo, waxaana la sheegay in qaar badan oo ka mida wasaaradahaasi ay faaruq ahaayeen oo laga waayay mas’uuliyiin sare marka laga reebo shaqaale hoose, sida ka dhacday wasaaradda Shaqada oo Ra’iisal wasaare ku xigeenku la yaabay inaysan joogin wax mas’uuliyiin ah.
Wasaaradaha qaarkood ayaa la sheegay inay wasiirada iyo agaasimeyaashooda ay degdeg yimaadeen kadib markii loo sheegay inuu Ra’iisal wasaare ku xigeenku ku sugan yahay wasaaradooda, wuxuuna soo arkay xaaladda dhabta ah ee wasaaradaha dowladda ku sugan yihiin.
Kormeerada madaxda sare ee dowladda ayaan jirin muddooyinkan danbe, waxayna tani soo nooleyneysaa daba galka waxqabadka dowladda xilli dowladda federaalka ay bixin weyday mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah mudo bilo ah.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]