Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka dhawaajiyay cabsi laga qabo musuq iyo boob lagu sameeyo hantida dowladda Soomaaliya xilliga kala guurka ah, isagoo mas’uuliyiinta dowladda uga digay inay ku takri falaan hantida Qaranka xilliga kala guurka.
Isagoo ka hadlayay xafladii ay xil wareejinta Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf ayuu ugu baaqay Mas’uuliyiinta Dowladda ee Xilka ka tagaya in aysan ka faa’ideysan xilliga kala Guurka, isagoo sheegay in mas’uuliyiinta dowladda laga doonayo in ay Ilaaliyaan Hantida Guud ee ka dhaxaysa Ummadda Soomaaliyeed.
Wuxuu damaanad qaaday inaysan jirin cid xilka looga qaadayo oo looga faa’ideysanayo waqtiga kala guurka ah ee hadda Dowladda Soomaaliya.
Wadani.com