Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib eedeeyn u jeediyey dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay mijaxaabisay dadaalladii iyo wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland.
Wuxuu sheegay in dowladii hore ay wadahadal la bilowday Somaliland, laguna gaaray heshiiskii bishii January sanadkii 2014 ee lagu saxiixay Istanbul, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inaan la siyaasadeyn barnaamiyada horumarinta iyo kuwa bani’aadanimada.
“Waxaa wax laga xumaada ah in dowladda maanta jirta mija-xaabisay dadaalkii loogu jiray in Somaliland iyo Somalia ka heshiiyaan, markii ay ka gaabisay sii wadidda wada-hadaladii, isla markaana joojisay mashaariicdii horumarineed ee waxtarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland..” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Carte.
Wuxuu soo jeediyey saddax qodob si xa loogu helo arrimaha dhex yaalla Somalia iyo Somaliland, kuwaasoo kala ah:
1. In dowladdu dibu bilowdo, ayna dardar geliso wadahadalladii socday ee Somaliland iyo Somalia.
2. In dowladdu qaadato mas’uuliyadda ka saaran sii wadidda heshiisyadii horrumarineed ee beesha caalamku ku taageeraysay Shacabka Somaliland, meeshana laga saaro caqabadaha jira.
3. In xallinta collaadda ka taagan Tukaraq dowladdu u marto wadahadal iyo hab nabadeed. Illaahay khayrka ha ina waafajiyo sannadkan sanaadkiisana ha nagu gaadhsiiyo nabad iyo bashbash iyo barwaaqo.