Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal shaqo ah ugu kicitimay dalka dibadiisa, isagoo Nairobi kulamo kula yeelan doona wakiilada deeq bixiyayaasha caalamka, isla markaana magaalada Geneva uga qayb geli doono shirkii 104-aad ee Shaqaaleweynaha Aduunka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayay noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu safar dibadeed u anbabaxo isagoo metelaya xukuumadda Soomaaliya, marka laga reebo soo maritaankisiii dalka Jabuuti isagoo xilligaasi ka soo laabtay dalka Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday markii uu dhaawac ka soo gaaray qaraxii hotelka Central.
“Waxaa noo qorshaysan inaan caalamka la wadaagno gaabiska ku yimid barnaamijkii Soomaaliya loo soo marinayey deeqaha ee New Deal, kaas oo aan u qabsoomin sidii loo baahnaa, waxaa kale oo deeq bixiyayaasha caalamka uga warbixinaya meelaha dowladda Soomaaliya u leh mudnaanta oo u baahan in laga caawiyo iyo meelaha aan doonayno in mustaqbalka nalaga taageero”ayuu yiri mudane Maxamed Cumar Carte oo garoonka kula hadlayay saxafiyiinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa ugu horeeya madaxda dowladda ee ugu socdaalka badan iyadoo dhaqaale badan dowladda uga baxo safaradaasi, waxaana xilligan dalka Nayjeeriya socdaal ku jooga madaxweynaha dowladda federaalka oo uga qeybgalay caleemo saarka madaxweynaha cusub ee dalkaasi.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]