Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xaflad loo qabtay furitaanka qaar ka mida wadooyinka Muqdisho oo xalay laga qaaday Dhagxaantii waaweynaa ee ku xirnaa.
Xafladda oo ay ka hadleen Taliyaha Booliska iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa waxaa sidoo kale khudbad ka jeediyey Ra’iisal wasaaraha oo sheegay inuu muddo Bil ah ka hor ka mid ahaa dadweynaha Muqdisho ee ku dhibaateysan wadooyinka xiran ee caasimadda.
Raiisal wasaaraha ayaa ka sheekeeyay dhibaatada dadka Muqdisho ka heysata Wadooyinka, isgoo sheegay inaysan dadka Muqdisho istaahihin dhibaatadaasi, balse ay tahay inay sika qabtaan oo ay soo sheegaan kuwa amni darrada wada.
“Qaar ayaa la furay wadooyinka, qaarna waa dhiman yihiin, inta hartay waxaa lagu tijaabinayaa sida ay shacabka noola shaqeeyaan.. una soo sheegaan kuwa amni darrada wada..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble oo Madaxweyne Farmaajo uga mahadcelyey inuu furitaanka Wadooyinka ka qeyb galo.
Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa sheega in qorshaha durjinta dhagxaanta Wadooyinka uu qorshaheedu soo socday muddo sanad ah, haddana ay go’aansadaeen inay qaadaan jid-gooyada Wadooyinka waaweyn.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Fiish ayaa isna sheegay in maanta ay tahay maalin la wada sugayey, muddo sanad ka badanna ay ka shaqeynayeen sidii arrintan wax looga qaban lahaa.
Cumar Filish ayaa caddeeyay in la qaaday inta badna dhagxaantii Amniga lagu sugayey, inta hartayna ay ku xira tahay in la qado sugidda Amniga.
