Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay gudaha dalka maanta ku gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee K/Galbeed.
Waxaa garoonka Shaatigaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed, waxaana Ra’iisal wasaare Rooble uu sheegay inuu safarkiisu yahay mid shaqo oo ku saabsan waxqabadka 100 maalmood ee xukuumadiisa.
“Baydhabo waa magaaladii ugu horreysay ee howllo shaqo u imaado tan iyo intii aan xafiiska imid, safarkan waa mid shaqo oo qeyb ka ah barnaamijka Xukuumadda ee 100ka maalmood, waxaana furi doonnaa mashaariic la hirgeliyey, kuwa cusubna waan dhagax dhigi doonnaa, shacabka Koonfur Galbeedna waan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta aad ii fidiseen..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.
Rooble ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa magaalada Baydhaba uu yahay sidii uu u furi lahaa mashaariic laga hirgeliyey Baydhaba iyo kuwo cusub oo uu dhagax dhigay, isagoo aan soo hadal qaadin arrimaha Doorashooyinka ee muranka ka taagan yahay.

