Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal u kala diray madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Qoraalka oo maanta soo baxay ayaa ku saabsan xusuusin soo gudbinta magacyada Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed iyo waliba Guddiga xalinta khilaafaadka.
“Waxaa la idin xusuusinayaa in la dhaafay waqtigii laga sugayey inay soo gudbiyaan magacyada Min laba (2) xubnood oo ka mid noqonaya labada Guddi ee Doorashooyinka heer federaal 2020/2021 iyo Guddiga xalinta khilaafaadka, taasoo waqtiga jadwalka uu ahaa 10/10/2020 aan to maalmood dib uga dhacnay..” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisal wasaaraha.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
