Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay inuusan wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan Tahliil, ayna ka go’an tahay inay hesho cadaalad.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkan u sheegay qoyska Ikraan Tahliil oo uua maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad.
Waxay mar kale u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad.
“Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Rooble ayaa qoyska Ikraan Tahaliil uga garaabay xanuunka ay ku heyso gabadhooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin, waalidna uu yahay oo uu qiyaasi karo murugadooda balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo, gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska.
