Ra’iisal wasaaraha dalka Armenia ayaa shaaciyey inuu socdo afgembi dowladiisa lagu ridayo oo ay wadaan ciidamada dalkaasi.
Ra’iisal wasaare Nikol Pashinyan ayaa farriin uu u diray taageerayaashiisa ku sheegay inuu dalka ka socdo inqilaab milateri, wuxuuna ugu baaqay inay isu soo baxaan oo ay isugu yimaadaan xarunt xukuumadda magaalada caasimadda ah ee Yerevan.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Taliyeyaasha ciidamada dalka Armenia ay ka dalbadeen Ra’iisal wasaare Nikol Pashinyan inuu is casilo, taasoo uu ku tilmaamay inay ka dhigan tahay afgembi.
Dalka Armenia ayaa xiisad siyaasadeed ka taagneyd tan iyo intii uu dalkaasi ku jabay dagaalkii uu la galay Azerbaijan, oo gacantiisa laga bixiyey Gobolka ay labada dal isku heysteen mudadda dheer ee Negorno Karabakh.
