Wararka laga helayo dalka Malaysia ayaa sheegaya in Ra’iisa wasaarihii dalkaasi Mahathir Mohamed uu xilka isla casilay.
Ra’iisal wasaaraha caanka ah ee 94 sano jirka ah ayaa istiqaaladiisa u gudbiyey Boqorka dalka Malaysia, kadib markii xiisad siyaasadeed ka dhex dhalatay isbaheysiga talada dalkaasi hayey, wuxuuna qoraal kooban ku sheegay inuu is-casilaadiisa u gudbiyey Boqorka.
Xisbiga uu hoggaamiyo Mahathir Mohamed ee Parti Pribumi Bersatu Malaysia aya sidoo kale ka baxay isbaheysiga talada haya ee Pakatan HarapanĀ (Isbaheysiga Rajada) sida uu shaaciyey gudodomiyaha xisbiga Muhyiddin Yassin oo baraha bulshada soo dhigay qoraal kooban.
Go’aanka uu qaatay Ra’iisal wasaarihii Malaysia ayaa imaanaya iyadoo uu khilaaf soo dhex galay isbaheysiga ka taliya dalkaasi, markii xisbiga Mahathir Mohamed uu sheegay inuu soo dhisayo dowlad aanu ka mid ahayd siyaasiga ay bah-wadaagta ahaayeen ee Anwar Ibrahim.
Labada siyaasi ee ugu caansan dalka Malaysia ee Mahathir Mohamed oo 94 sano jir ah iyo Anwan Ibrahim oo 72 sano jir ah ayaa muddo dheer loolan siyaasadeed u soo dhaxeeyay, waxaana hadda muuqata inay mar kale isku dhaceen.