Ra’iisal wasaarihii dalka Qatar Sheekh C/llaahi Bin Nasir Al-thani ayaa iska casilay xilkii Ra’iisal wasaaraha dalka Qatar, sida ay shaacisay wakaalada wararka ee dalkaasi.
Lama sheegin sababta uu xilka isaga casilay Ra’iisal wasaaraha dalka Qatar, waxaana la sheegay inuu Amiirka Qatar ka aqbalay Ra’iisal wasaaraha is-casilaadiisa, isagoo magacaabay Ra’iisal wasaare cusub oo lagu magacaabo Khaalid Bin Khaliifa Bin C/casiis Althani.

Ra’iisal wasaare cusub ee xilka loo magacaabay Khaalid Bin Khaliifa Bin C/casiis Althani ayaa xilligan ka shaqeynayey Madaxtooyada Amiirka, siagoo xoghaye u ahaa Amiirka dalkaasi Tamim Bin Hamad, wuxuuna hore ugas oo shaqeeyay xafiiska ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo wasiirka Arrimaha dibadda, waana dhashay sanadkii 1968.
Dalka Qatar ayaa waxaa ka taliya Qoyska Ala-thani, iadoo amiirka hadda talada haya uu xilka kala wareegay aabihii oo xanuunsaday, waxaana aabihii uu inqilaab aan dhiig ku daadan xilka kula wareegay