Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqay xisbi siyaasadeed cusub oo la magaca baxay MADASHAWADANI, kaasoo uu isagu guddoomiye u yahay.
Xisbigan ayaa waxaa ka dhex muuqda siyaasiyiin xilal ka soo qabtay xukumadii C/weli Sheekh iyo kuwo kale oo wax ka dhisay xisbiga, wuxuuna ka mid noqonayaa tobanaan xisbi oo magaalada Muqdisho looga dhawaaqay.
Guddoomiyaha xisbiga C/weli Sheekh ayaa sheegay in xisbigiisu dadaal u galayo soo celinta sharaftii iyo karaamadii umadda iyadoo laga shidaal qaadanayo xisbigii SYL. Wuxuuna sheegay inaysan Soomaaliya is-taahilin inay ku sii jiraan xaalada hadda ka taagan.
WAR MURTIYEED
KU DHAWAAQIDA Xisbiga MADASHA WADANIGA
6da Febraayo, 2016
Sida la ogyahay, Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxaa lagu daahfuray Bayaanka Isbeddel Doonka ee 5tii Janaayo, 2015. Madasha waxaa ku bahoobay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo xisbiyo. Isbahaysigaas wuxuu isku waafaqay in wadajir looga shaqeeyo difaacidda dimoqraadiyada, maamul wanaaga, sareynta sharciga iyo soo celinta Midnimada iyo wadajirka Somaliyeed. Sidoo kale, waxaa laisla gartay in asaas adag loo dhigo horumar dhaqan dhaqaale ku dhisan caddaalad iyo sinaan bulsho, lagana hortago musuq maasuqa iyo ku tagri falka hantida dadweynaha, loona hawl-galo dhiirrigelinta Siyaasad hufan oo loo tartamo oo ku dhisan doorasho xor ah oo muwaadin walba ka qayb galo.
Hawlihii muhiimka ahaa ee Madashu soo qabatay mudada sanadka ka badan waxay iftiimiyeen baahida weyn ee loo qabo in loo guuro xisbi siyaasadeed oo wadani ah oo Dalk iyo dadkoo dhan matala, xisbigaas oo naga gudbiya siyaasada guracan ee qabiilaysan, una hawlgala hirgelinta nidaamka axsaabta badan si dadkeenu u helaan xuquuqdooda ka qaybgalka siyaasadda dalka, ayna u suurto galaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.
Sidaas darted, maanta oo taariikhdu tahay 6da Feberaayo, 2016 waa maalin farxadeed oo muhiim u ah umadda Soomaaliyeed. Waxaan goobtaan quruxda badan si rasmi ah ugu daahfuraynaa Xisbiga MADASHA WADANIGA. Xisbiga Madsha Waddaniga waa xisbi qaran oo ka tarjumaya mabaadi’da Bayaankii Jennayo 2015. Xisbigu wuxuu horumarinayaa isbahaysiga siyaasadeed iyo wada-shaqaynta kala dhaxaysa axsaabta iyo siyaasiinta kale ee Dalka. Qabanqaabada iyo dhismaha xisbiga Madsha Waddaniga wuxuu intii muddo ah ka socday magaala madaxda iyo gobollada dalka iyo sidoo kale xarumaha qurba joogta Soomaaliyeed, waxaana asaasay boqolaal Somaali ah oo jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Ilaa inta laga ansixinayo Shariciga Xisbiyada oo hawshiisu socoto, hawlaha Xisbiga MADASHA waxaa lagu wadayaa iyadoo lagu dhaqmayo Axdigiisa Kumeelgaarka ah. Xisbigu wuxuu shirar goboleedyo ku qabandoonaa degaanada Dawladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo deegaamada qurbajoogta; shirarkaas oo hordhac u noqonaya Shirweyne heer Qaran oo lagu qabandoono magaala Madaxda JFS ee Muqdisho.
Ugu dambeentii; anigoo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga waxaan, magaca xisbiga ugu hambalyeenaynaa dhamaan asaasyaasha iyo xubnaha Xisbiga, meel kasta oo ay joogaan. Waxaan u rajeynayaa hawlqabad waxkuool ah oo lagu badbaadiyo dalkeena iyo dakeena horumar loo ayaana horseeda. Walaalahayga Somaaliyeed, rag iyo dumar waxaan ku boorinaynaa inay kusoo biiraan halganka dheer ee uu ambaqaaday Xisbiga Madsha Waddaniga. Waxaa inoo ballan ah higsiga midaynta dalkeena iyo dadkeena, dowladnimo hufan iyo horumar dhaqan dhaqaale oo loo siman yahay.
Hal ku dheggeenu waa: Dal iyo Dad Mid ah iyo Dowlad Shaqaysa
Naga guddooma salaan iyo hambalyo.
Soomaaliya Hannoolaato! Somaaliya ha Israacdo
Dhammaad
Wadani.com