Wararka laga helayo magaalada London ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la sheegay inuu ku dhacay cudurka Coronvirus.
Dad ku dhow Ra’iisal wasaarihii hore ayaa sheegaya in sidoo kale uu cudurka COVID-19 ku dhacay wiilkiisa Daahir Nuur, iyadoo wararku sheegayaan in xaaladiisa ay degan tahay, iyadoo lagula tacaalayo isbitaal ku yaalla magaalada London.
Muddo toddobaad ka badan ayuu isbitaal ku jiraa Nuur Cadde oo da’diisu ka badan tahay 80 sano jir, wuxuuna ayaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ahaa intii u dhaxeysay 2007 ilaa 2009 dowladii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu la xiriiray qoyska Ra’iisal wasaarihii hore, isagoo u rajeeyay caafimaad. ” Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin..” ayuu yiri Kheyre
Soomaali badan ayaa dalalka Yurub ugu geeriyooday ama hadda ugu jira isbitaallada cudurka Coronavirus, wuxuuna dadka ugu badan ku dilay dalka Sweden.