Shir muddo laba maalmood ah u socday aqoonyahano, Indheeragarad, Siyaasiin, Xisbiyada dalka ka jira iyo Kutlooyinkii Baarlamaanka ayaa lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho iyadoo lagu dhisay Madal ay ku mideysan yihiin oo loogu magac daray Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed.
Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed waxaa Gudoomiye loogu doortay:
- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed;
- Waxaa Gudoomiye ku xigeen 1- aad loo doortay Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi ( Baadiyow)
- Gudoomiye ku Xigeenka 2aad waxaa loo doortay Xuseen Carab Ciise,
- Gudoomiye ku xigeenka 3-aad Dr. Cabdishakuur Shiikh Xasan Fiqi,
- Xoghayaha Guud waxaa loo doortay Dr Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed ).
[ad name=”HTML-2″]
Gudoomiyaha cusub ee Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Madashu aysan cidna caddow ku ahayn, wixii wanaag ahna ay kula shaqeyn doonto dowladda, isla markaana ay talo iyo nasteexo ka siin doonto wixii khaladaad ah ee ay arkaan.
C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay inaysan ka suuragelin dhinacooda inay ka hor yimaadaan dowladda, laakiin howsha ugu weyn ee madasha ay tahay inay talada ku celiyaan dadka, wixii khaladaad ah ee ay arkaana ay tilmaan ka bixiyaan sidii loo toosin lahaa.
Madashan oo in dhoweydba dhaqdhaqaaqeedu ka socday Muqdisho ayaa noqon karta awood siyaasadeed oo xaalada dalka isbedel ku keeni karta, iyadoo xilligan loo baahnaa isbaheysi Soomaaliyeed oo dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh siyaasad ahaan kula dagaalama hiigsiga cusub iyo waxqabadka laga doonayo.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
<div id=”adkengage_ssp_div”></div><script type=”text/javascript” src=”http://adkengage.com/pshandler.js?aid=11583&v=omtJ%2fEoB5ruM4T3m%2bPJ8IA%3d%3d&dpid=6682″></script>