Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Keyre ayaa goor dhoweyd shaaciyey war culus oo ku saabsan mustaqbalkiisa siyaasadda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa soo saaray Qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada isagoo ku dhawaaqay inuu u taagan tahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, qoraalkiisa ayaa u qornaa sidatan:
Bismillah, Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay. Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.Mahadsanidiin
Arrintan ayaa loo badinayaa inay ahayd sababtii dhalisay khilaafka dhex maray isaga iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo raadinayey inuu Kheyre ka mid noqdo ragga taageeraya in dib loo doorto.
